Madaxweyne Farmaajo Shir Ku Saabsan Tubta Amniga Iyo Cadaalada Iyo Fariimo Culus Oo Uu Faray Wasiiradii Uu La Kulmay+Sawiro

0
Sunday February 03, 2019 - 19:48:02 in News by Super Admin
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Shir Ku Saabsan Tubta Amniga Iyo Cadaalada Iyo Fariimo Culus Oo Uu Faray Wasiiradii Uu La Kulmay+Sawiro

    Muqdisho (HWN):- Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee amniga iyo cadaalada oo lagaga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha iyo halbeegyada hay'adaha iyo wasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (HWN):- Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee amniga iyo cadaalada oo lagaga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha iyo halbeegyada hay'adaha iyo wasaarahada ku midaysan tubtan ee ku saabsan sugidda amniga iyo horumarinta caddaaladda dalka.
Ra’iisul wasaaraha dawlada federaalka ah ee soomaaliya  Xasan Cali Khayre, wasiiro ka tirsan xukuumada , taliyeyaasha ciidanka qalabka sida iyo hay’adaha amniga gobolka ayaa ka qayb galay kulanka oo diirada lagu saaray amniga guud ee dalka iyo nidaamka cadaalada iyo garsoorka.

Madaxweyne Farmaajo oo gudoominayey shirka ayaa u sheegay dhamaan hay’addaha iyo wasaaradaha ay khuseeyaan qorshayaasha ku jira tubtan in lagula xisaabtamo fulinta barnaamijyadii ay kula heshiiyeen raysal wasaaraha Khayre isla markaana ay ku dhamaystiran mudada ku xusan heshiiska oo ku eeg sanadkan 2019.


Tubta amniga iyo cadaaladda oo ka mid ah afarta tubood ee qaranka ee lagu saleeyay barnaamijka xukuumadda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn waxaa ka mid ah dhamaystirka qorshaha kala guurka ee ciidanka Qaranku ay kula wareegayaan amniga dalka.
Loading...
Loading...