KDQ iyo Xisbiga KAAH oo Gaadhay Is-afgarad Buuxa

0
Tuesday June 09, 2026 - 15:43:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KDQ iyo Xisbiga KAAH oo Gaadhay Is-afgarad Buuxa

    Is-afgaradkan ayaa lagu soo afjaray murankii jiray, iyadoo l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is-afgaradkan ayaa lagu soo afjaray murankii jiray, iyadoo l

May be an image of text


Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (KDQ) iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee KAAH ayaa gaadhay is-afgarad buuxa, kadib wadahadallo iyo kulammo muddo socday oo lagu xallinayey khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac.


 

Is-afgaradkan ayaa lagu soo afjaray murankii jiray, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo wada-shaqayntii rasmiga ahayd, si loo xoojiyo iskaashiga, isfahamka iyo hufnaanta hawlaha la xidhiidha geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

 

KDQ iyo Xisbiga KAAH ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay ilaalinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo wada-shaqayn wax-ku-ool ah oo horseedda doorashooyin xor iyo xalaal ah.

 

Heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo kalsoonida dhinacyada siyaasadda, laguna xasilinayo geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo horumarka doorashooyinka Somaliland.

Loading...
Loading...