Somaliland oo Heshiis Cusub ku Soo Jiidatay Maalgashiga Macdanta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u saxeexday heshiis Is-afgarad (MOU) oo ay la gashay shirkadda Nubian Shield Resources ee fadhigeedu yahay Boqortooyada Midowday (UK). Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada sahaminta, horumarinta iyo maalgashiga khayraadka macdanta ee dalka.
Heshiiska waxaa kala saxeexday Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL, Mudane Siciid Maxamed Buraale, iyo Guddoomiyaha Somaliland u qaabilsan shirkadda Nubian Shield Resources, Mudane Cabdiqaadir Cali.
Is-afgaradkan ayaa saldhig u noqon doona soo jiidashada maalgashiyo caalami ah, horumarinta sahaminta iyo qiimaynta khayraadka dabiiciga ah, gudbinta aqoon iyo tiknoolajiyad casri ah, kor u qaadista kaabeyaasha maalgashiga, iyo abuurista fursado shaqo oo cusub oo taageera koboca dhaqaale ee waara.
Sidoo kale, heshiiskani wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshaduhu ku doonayso in si hufan looga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee dalka, iyada oo la dhiirrigelinayo maalgashi tayo leh oo waafaqsan siyaasadaha qaranka iyo halbeegyada caalamiga ah.
Wasaaraddu waxay aaminsan tahay in heshiiskani uu kor u qaadi doono kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah, furi doono fursado maalgashi oo cusub, isla markaana dardargelin doono horumarka dhaqaalaha iyo koboca waara ee Jamhuuriyadda Somaliland.


0 





