Wasiirka Beeraha oo Kulan La Yeeshay Isku-duweyaasha Wasaaradda ee Gobollada Dalka
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Geeddi Qayaad, ayaa maanta kulan is-barasho iyo xog-ogaalnimo ah la yeeshay Isku-duweyaasha Wasaaradda Beeraha ee gobollada dalka.
Kulanka ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee Wasiirka cusub la yeesho masuuliyiinta heer gobol ee Wasaaradda, waxaana diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadka wasaaradda, qorshayaasha horumarineed iyo xaaladda guud ee wax-soo-saarka beeraha ee gobollada dalka.
Warbixinno Ku Saabsan Wax-soo-saarka Beeraha
Wasiirka ayaa kulanka waxaa ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, Eng. Maaliki Cabdi Xasan, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Eng. Cabdirisaaq Axmed Gaas.
Isku-duweyaasha gobolladu waxay masuuliyiinta sare ee Wasaaradda ka siiyeen warbixino la xidhiidha dedaallada wax-soo-saarka beeraha ee ka socda gobollada dalka, iyaga oo soo bandhigay guulaha la gaadhay, caqabadaha jira iyo baahiyaha u baahan in wax laga qabto.
Xoojinta Wada-shaqaynta iyo Isku-xidhka
Kulanka ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta iyo isku-xidhka ka dhexeeya xarunta dhexe ee Wasaaradda iyo xafiisyada gobollada.
Dhinacyadu waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in si dhow looga wada shaqeeyo hirgelinta mashaariicda horumarinta beeraha, kor u qaadista wax-soo-saarka gudaha iyo gaadhsiinta adeegyada beeraha dhammaan gobollada dalka.
Talooyin Lagu Horumarinayo Beeraha
Intii uu kulanku socday, Wasiirka, Wasiir Ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ayaa dhegaystay talooyin iyo aragtiyo ay soo jeediyeen Isku-duweyaashu, kuwaas oo ku saabsanaa sidii loo sii xoojin lahaa wax-soo-saarka beeraha iyo horumarinta adeegyada ay Wasaaraddu bixiso.
Masuuliyiintu waxay adkeeyeen in beeruhu yihiin tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaadhi karo isku-filnaansho cunto iyo koboc dhaqaale oo waara.
Diyaargarowga Maalinta Caalamiga ah ee Beeraha
Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay qorshayaasha la xidhiidha xuska maalinta caalamiga ah ee beeraha, iyadoo Isku-duweyaashu ay talooyin ka bixiyeen sidii munaasabadda sannadkan loo qaban lahaa si ka ballaadhan ugana saamayn badan sidii hore.
Masuuliyiin Kale oo Ka Qayb-galay
Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha Xidhiidhka Gobollada, La-taliyaha Wasaaradda Beeraha, Agaasimaha Qorshaynta iyo Agaasimaha Shaqaalaha ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.


0 





