Maayerka Hargeysa oo Sii Wada Kormeerka Degmooyinka Caasimadda
Maayerka Caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa maalintii labaad sii watay kormeerkiisa shaqo ee degmooyinka caasimadda, isaga oo booqashooyin ku tegay degmooyinka Maxamuud Haybe, Axmed Dhagax iyo 31 May.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka cusub ee Dawladda Hoose ee Hargeysa ku doonayo inay si dhow ula socdaan xaaladaha dhabta ah ee degmooyinka, isla markaana ay xog rasmi ah uga helaan baahiyaha iyo adeegyada bulshada.
Qiimayn Lagu Sameeyey Adeegyada Bulshada
Intii uu kormeerku socday, Maayerka iyo masuuliyiinta la socday ayaa qiimeeyey xaaladda adeegyada bulshada ee degmooyinka la booqday, iyaga oo warbixino ka dhagaystay maamullada degmooyinka iyo shaqaalaha ka hawlgala goobahaasi.
Waxa si gaar ah diiradda loo saaray adeegyada aasaasiga ah, bilicda magaalada, nadaafadda, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo baahiyaha ay qabaan shacabka ku nool degmooyinka.
Dardargelinta Qorshayaasha Horumarineed
Maayerka Hargeysa ayaa xusay in maamulka Dawladda Hoose uu ka go’an yahay dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee ka socda degmooyinka caasimadda, si loo horumariyo adeegyada loo fidiyo bulshada.
Waxa uu tilmaamay in kormeeradan joogtada ahi ay muhiim u yihiin dejinta qorshayaal wax ku ool ah oo lagu daboolayo baahiyaha kala duwan ee degmooyinka.
Xoojinta Xidhiidhka Maamulka iyo Bulshada
Kormeerka ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka ka dhexeeya maamulka Dawladda Hoose iyo bulshada ku dhaqan degmooyinka caasimadda, si loo xaqiijiyo in adeegyada iyo mashaariicda horumarineed ay ku salaysnaadaan baahiyaha dhabta ah ee shacabka.
Maayerka ayaa la filayaa inuu sii wado kormeerro kale oo uu ku gaadhayo degmooyinka hadhay ee Caasimadda Hargeysa.


0 





