Madaxweyne Cirro oo La Filayo Inuu Booqdo Israa'iil
Warar ay baahiyeen warbaahinno Israa’iili ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), la filayo inuu booqasho rasmi ah ku tago Israa’iil, xilli uu sii xoogaysanayo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dhinac.
Sida ay qortay warbaahinta Israa’iil, Safaaradda Somaliland ee Israa’iil ayaa la qorsheeyey inay ka furanto magaalada Quddus (Jerusalem), iyadoo Somaliland hore u shaacisay in safaaraddeedii ugu horraysay ee dibadda ay halkaas ka shaqo bilaabi doonto.
Wararka la daabacay ayaa sidoo kale xusay in furitaanka safaaradda lagu qaban karo munaasibad ay ka qaybgalaan masuuliyiin sare oo labada dhinac ah, inkasta oo aan wali si rasmi ah loo shaacin taariikhda kama dambaysta ah ee booqashada Madaxweynaha Somaliland.
Xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil ayaa si weyn u kobcay tan iyo markii Israa’iil ay dhammaadkii 2025 noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, waxaana tan iyo markaas socday wada-hadallo iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh.
Si kastaba ha ahaatee, sheegashada ah in Madaxweyne Cirro uu "toddobaadka soo socda ka degayo Israa’iil" wali ma helin xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland ama dowladda Israa’iil waqtigan.


0 





