Golaha Guurtida Somaliland oo Dood Qoto Dheer Ka Yeeshay Xaaladda Deegaanka iyo Abaaraha

0
Saturday June 06, 2026 - 13:03:49 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Somaliland oo Dood Qoto Dheer Ka Yeeshay Xaaladda Deegaanka iyo Abaaraha

    Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha

No photo description available.



Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodii saaka dood ballaadhan kaga yeeshay xaaladda deegaanka iyo saamaynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada iyo abaaraha soo noqnoqday ku leeyihiin bulshada iyo xoolaha dalka.


 

Fadhiga oo uu shirguddoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudaneyaashu ku tilmaameen xaaladda deegaanka mid u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

 

Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha

 

Xildhibaannada Golaha Guurtida ayaa sheegay in isbeddelka cimilada iyo abaaraha soo noqnoqday ay si weyn u saameeyeen nolosha bulshada, xoolaha iyo deegaanka guud ahaan.

 

Waxay xuseen in xaaladahan ay horseedeen hoos u dhac ku yimid daaqii, biyihii iyo wax-soo-saarkii deegaanka, taas oo culays ku noqotay bulshada reer miyiga ah.

 

Dib-u-soo Nooleynta Seerayaasha

 

Mudaneyaashu waxay soo jeediyeen in dib loo soo nooleeyo seerayaashii dhaqanka ahaa ee xooluhu ku daaqi jireen xilliyada adag, gaar ahaan xilliyada abaarta iyo jiilaalka.

 

Waxay tilmaameen in seerayaashu door muhiim ah ka qaadan karaan ilaalinta dhulka daaqsinka iyo badbaadinta xoolaha marka ay dhacaan xaaladaha adag ee cimiladu.

 

Dib-u-xoolayn iyo Wax-soo-saar

 

Golaha Guurtida ayaa sidoo kale ku baaqay in dib-u-xoolayn loo sameeyo qoysaska iyo bulshada ay abaaruhu saameeyeen, si loo taageero noloshooda iyo dhaqaalahooda.

 

Dhanka kale, mudaneyaashu waxay xukuumadda ugu baaqeen in laga faa’iidaysto dhulalka bannaan ee dalka, laguna hirgeliyo mashaariic beerasho iyo wax-soo-saar oo kor u qaada sugnaanta cuntada iyo dhaqaalaha bulshada.

 

Ilaalinta Deegaanka

 

Xildhibaanadu waxay bulshada xoolo-dhaqatada ah ugu baaqeen inay joojiyaan dhaqamada waxyeellada u leh deegaanka, gaar ahaan gaadiidka ku dhex socda dhulka daaqsinka iyo meelaha ay biyuhu maraan ama ku ururaan.

 

Waxay sheegeen in taayirrada gaadiidku ay dhaawac u geystaan marinadii dabiiciga ahaa ee biyaha, taas oo sii kordhin karta xaalufka deegaanka.

 

Baaq ku Saabsan Xal Waara

 

Gabagabadii doodda, mudaneyaasha Golaha Guurtida ayaa ku baaqay in la dejiyo qorshe qaran oo waara oo lagula tacaalayo dhibaatooyinka deegaanka iyo saamaynta abaaraha.

 

Waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, yaraynta barakaca bulshada iyo qaadashada tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu sugayo mustaqbalka deegaanka Somaliland.

Loading...
Loading...