Guddoomiyaha WADDANI oo Qaabilay Xoghayihii Xisbiga u Qaabilsanaa Qaramada Midoobey

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Jaamac Ayaanle Ismaaciil (Feyte), oo ahaa Xoghayihii Xisbiga WADDANI u qaabilsanaa Qaramada Midoobey, kana mid ah aqoonyahannada iyo saxafiyiinta reer Somaliland.
Kulankan ayaa yimid xilli Mudane Jaamac Feyte uu safar gaaban ku joogo dalka, iyadoo labada masuul ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda iyo doorka xubnaha xisbiga ee gudaha iyo dibaddaba.
Xirsi oo Bogaadiyey Doorka Jaamac Feyte
Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ku ammaanay Jaamac Feyte kaalintii muuqata ee uu ka qaatay halgankii iyo dedaalladii dheeraa ee Xisbiga WADDANI.
Waxa uu sheegay in Jaamac Feyte uu yahay masuul firfircoon oo door weyn ku lahaa hawlaha xisbiga, gaar ahaan muddadii lagu jiray marxaladihii kala duwanaa ee halganka siyaasadeed.
"Waa Masuul Dedaal Badan Geliyey Xisbiga”
Guddoomiyaha WADDANI ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka Jaamac Feyte, isaga oo tilmaamay inuu yahay aqoonyahan iyo saxafi si weyn loogu yaqaan bulshada Somaliland.
"Waxa farxad ii ahayd in aan xafiiskayga ku qaabilo Mudane Jaamac Ayaanle Ismaaciil (Feyte), Xoghayihii Xisbiga WADDANI u qaabilsanaa Qaramada Midoobey, oo ah aqoonyahan iyo saxafi reer Somaliland ah oo dhawaan dalka safar gaaban ku yimid,” ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi.
Waxa uu intaas ku daray:
"Mudane Jaamac Feyte waa masuul firfircoon oo dedaal badan gelay Xisbiga WADDANI muddadii dheerayd ee lagu jiray halganka, waanan ku bogaadinayaa sida uu dedaalkaa weli u sii wado ee aanu u joojin.”
Xoojinta Wada-shaqaynta Xisbiga
Kulanka ayaa sidoo kale muujinaya xidhiidhka iyo wada-shaqaynta joogtada ah ee ka dhexaysa hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo xubnaha ka tirsan xisbiga ee ku sugan gudaha iyo dibadda dalka.
Masuuliyiinta ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii wadista dedaallada iyo wadajirka lagu horumarinayo himilooyinka siyaasadeed ee xisbiga iyo adeegga bulshada Somaliland.


0 





