Booliska Saaxil oo Gacanta Ku Dhigay Kooxo Lagu Eedeeyey Xatooyada Xadhkaha Laydhka iyo Saacadaha Biyaha

0
Thursday June 04, 2026 - 19:15:31 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Saaxil oo Gacanta Ku Dhigay Kooxo Lagu Eedeeyey Xatooyada Xadhkaha Laydhka iyo Saacadaha Biyaha

    Afar Kooxood oo La Gacanta Ku Dhigay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar Kooxood oo La Gacanta Ku Dhigay



Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Saaxil, Gaashaanle Sare Maxamed Dacar, ayaa shaaciyey in magaalada Berbera ay ku soo bateen kooxo ku hawlan xatooyada xadhkaha laydhka iyo saacadaha biyaha ee guryaha laga xagaa baxo xilliga kuleylaha.

 

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Booliska Gobolka Saaxil ay qaadeen hawlgallo lagu beegsanayo kooxahan, kuwaas oo sababay cabashooyin isa soo taraya oo ka yimid shacabka magaalada Berbera.

 

Afar Kooxood oo La Gacanta Ku Dhigay

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Berbera, Gaashaanle Sare Maxamed Dacar ayaa sheegay in ciidamadu gacanta ku dhigeen ilaa afar kooxood oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falalka xatooyada ah.

 

Waxa uu sidoo kale xusay in la qabtay dad lagu eedeeyey inay iibsanayeen xadhkaha laydhka iyo maarta laga soo xado guryaha, kuwaas oo qayb ka ahaa silsiladda falalkaasi.

 

Booliska oo Ballan-qaaday Tallaabo Sharci Ah

 

Taliyaha ayaa caddeeyey in dhammaan dadka lagu qabtay falalkan loo gudbin doono hay’adaha sharciga, isla markaana aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo ku lug yeelata xatooyada hantida shacabka.

 

"Waxa Berbera kusoo kordhay tuugo saqajaan ah oo goosanaya xadhkaha laydhka guryaha laga xagaa baxay iyo saacadda biyaha. Waxaan haynaa ilaa afar kooxood oo tuug ah iyo kuwii ka iibsanayay xadhkahaa iyo maartaas, waxaana horgeyn doonaa hay’adaha sharciga, loona tudhi maayo,” ayuu yidhi Taliyuhu.

 

Baaq Ku Socda Bulshada

 

Taliska Booliska Gobolka Saaxil ayaa bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla markaana ay si degdeg ah u soo sheegaan cid kasta oo looga shakiyo falal xatooyo ama burburin hanti dadweyne iyo mid gaar loo leeyahay.

 

Masuuliyiintu waxay sheegeen in hawlgallada lagula dagaallamayo kooxaha tuugada ah ay sii socon doonaan si loo ilaaliyo amniga iyo hantida shacabka magaalada Berbera.


Loading...
Loading...