Maayarka Gabiley oo Kulan La Qaatay Culimada Magaalada si loo Xoojiyo Wada-shaqaynta
Maayarka Magaalada Gabiley, Mudane Mursal Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay guud ahaan Culimada Magaalada Gabiley, kaasi oo ahaa kulankiisii ugu horreeyey ee uu la yeesho Culimada tan iyo markii uu xilka la wareegay.
Kulanka ayaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta u dhexaysa maamulka degmada iyo Culimada, iyadoo xoogga la saaray doorka ay Culimadu ku leeyihiin hanuuninta bulshada, ilaalinta nabadda iyo xoojinta wada noolaanshaha bulshada.
Isbarasho iyo Is-xogwaraysi
Kulanka ayaa ku bilowday isbarasho iyo is-xogwaraysi dhexmaray maamulka cusub ee degmada iyo Culimada magaalada, waxaana sidoo kale lagu duceeyey horumarka, nabadda iyo midnimada bulshada reer Gabiley.
Maayarka waxaa kulanka ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Cabdiraxmaan Nuur Abokor, Xildhibaan Maxamed Dayib iyo Xildhibaan Cali Muxumed.
Maayarka oo Bogaadiyey Doorka Culimada
Mudane Mursal Maxamed Jaamac ayaa Culimada uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaataan hagidda bulshada iyo faafinta qiyamka wanaagsan ee Islaamka.
Waxa uu xusay in wada-shaqayn dhow oo dhex marta maamulka degmada iyo Culimada ay muhiim u tahay horumarka magaalada, xoojinta nabadda iyo ilaalinta danta guud ee bulshada.
Culimada oo Soo Dhaweeyey Maayarka Cusub
Dhankooda, Culimada Magaalada Gabiley ayaa si diirran u soo dhaweeyey Maayarka cusub, iyaga oo ku ammaanay tallaabada uu qaaday ee uu kula kulmay Culimada magaalada.
Waxay Alle SWT uga baryeen inuu ku asturo masuuliyadda loo igmaday, kuna garab galo gudashada waajibaadka culus ee uu shacabka u hayo.
Xoojinta Midnimada iyo Horumarka
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta joogtada ah ee ka dhexaysa maamulka degmada iyo Culimada, si loo xoojiyo nabadda, midnimada bulshada iyo horumarka magaalada Gabiley.
Masuuliyiinta iyo Culimaduba waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan danta guud iyo horumarka bulshada.


0 





