Gabadh Diyarad Ka Soo Dhacday Oo Meydkeeda La Helay

0
Wednesday August 07, 2019 - 13:39:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Diyarad Ka Soo Dhacday Oo Meydkeeda La Helay

    Gabar wax ka barata jaamacadda Camdridge oo ka soo dhacday diyaarad hawada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabar wax ka barata jaamacadda Camdridge oo ka soo dhacday diyaarad hawada

mareysa ayaa la sheegay in meydkeeda la helay.

 

Gabadhan meydkeeda la helay oo lagu magacabi jiray Alanta Cutland oo 19 jir ah meydkeeda waxaa laga helay dhul miyi ah.

 

Taliyaha booliska deegaanka gabadha meydkeeda laga helay Sinola Nomenjahari wuxuu sheegay iney gabadha ay furtay albaabka diyaaradda sidaasina ay ku soo dhacday.

 

Gabadha oo shilka la kulantay 1-da bisha August waxaa meydkeeda la raadiynayey muddo toddobaad ah.

 

Alanta Cutland xilliga ay diyaradda ka soo dhaceysay waxay ku gudajirtay daraasad la xiriirta maaddada ay ka baraneysay jaamacadda Cambridge.

 

BBC


Loading...
Loading...