La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Warbixinta Baarlamaanka Maraykanka

0
Thursday June 04, 2026 - 19:10:53 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Warbixinta Baarlamaanka Maraykanka

    Somaliland oo Kasbatay Xiisaha Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland oo Kasbatay Xiisaha Maraykanka



La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cismaan Fadal, ayaa ka hadlay warbixin uu dhawaan soo saaray Baarlamaanka Maraykanku, taas oo iftiimisay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Somaliland iyo fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka.



 

Dr. Fadal ayaa sheegay in warbixintaasi xambaarsan tahay farriin cad oo muujinaysa sida ay Dowladda Maraykanku u qiimaynayso doorka Somaliland ee Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida iyo ganacsiga.


 

Somaliland oo Kasbatay Xiisaha Maraykanka


 

La-taliyaha Madaxweynaha ayaa tilmaamay in warbixintu muujinayso korodhka danaynta Maraykanka ee Somaliland iyo doorka ay ku leedahay amniga gobolka iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas.


 

Waxa uu sheegay in Somaliland ay noqotay saaxiib lagu kalsoonaan karo oo muhiim u ah xasilloonida gobolka iyo iskaashiga caalamiga ah.

 

Wada-hadal Toos ah oo La Filayo

 

Dr. Maxamed Cismaan Fadal ayaa xusay inay muuqato in Maraykanku danaynayo inuu si toos ah ula macaamilo Somaliland, isla markaana uu la yeesho wada-hadal iyo iskaashi ku salaysan danaha wadaagga ah ee labada dhinac.

 

"Maraykanku wuu u soo jeestay inuu Somaliland kaligeed la hadlo,” ayuu yidhi Dr. Fadal.

 

Iskaashi Ku Salaysan Danaha Wadaagga ah

 

La-taliyuhu waxa uu intaas ku daray in warbixintu si cad u muujinayso sida ay uga go’an tahay Dowladda Maraykanka inay Somaliland kala shaqayso arrimo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin amniga, ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga istaraatiijiga ah.

 

"Warqaddani waxay si cad u muujinaysaa in Maraykanku diyaar u yahay inuu si buuxda ula shaqeeyo Somaliland, isla markaana la yeesho iskaashi ku dhisan danaha wadaagga ah ee labada dhinac,” ayuu yidhi.

 

Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka oo Sii Xoogaysanaya

 

Dr. Fadal ayaa sheegay in warbixintani ay ka tarjumayso heerka uu gaadhay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku, isla markaana ay muujinayso fursadaha cusub ee ka dhalan kara wada-shaqayn dhow oo labada dhinac dhex marta.

 

Waxa uu xusay in Somaliland ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah ee ku dhisan danaha qaranka iyo horumarka gobolka.

Loading...
Loading...