Hay'adda Dhawrista Tayada Somaliland oo Xaqiijisay In Dhammaan Daawooyinka iyo Cuntadu Maraan Shaybaadhka Qaranka

0
Thursday June 04, 2026 - 19:08:39 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Dhawrista Tayada Somaliland oo Xaqiijisay In Dhammaan Daawooyinka iyo Cuntadu Maraan Shaybaadhka Qaranka

    Hubinta Tayada Badeecooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hubinta Tayada Badeecooyinka



Hay’adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland (Somaliland Quality Control Commission) ayaa sheegtay in dhammaan daawooyinka, cuntada iyo badeecooyinka kale ee dalka soo gala ama lagu farsameeyo gudaha Somaliland ay maraan habraacyo adag oo lagu hubinayo tayadooda iyo badqabkooda.

 

Qoraal rasmi ah oo ay soo saartay Hay’addu ayaa lagu caddeeyey in dhammaan daawooyinka iyo badeecooyinka la xidhiidha caafimaadka, cuntada iyo isticmaalka guud ay maraan Shaybaadhka Qaranka (National Laboratory), halkaas oo lagu sameeyo baadhitaanno lagu xaqiijinayo badqabkooda, waxtarkooda iyo u hoggaansanaanta heerarka tayada ee dalka u yaalla.

 

Hubinta Tayada Badeecooyinka

 

Hay’adda Dhawrista Tayada ayaa xustay inay masuul ka tahay ilaalinta iyo hubinta tayada dhammaan agabka, dawooyinka, cuntada iyo badeecooyinka kale ee la soo dejiyo ama lagu farsameeyo gudaha dalka.

 

Waxay sheegtay in aanay jirin dawo, cunto ama badeeco kale oo dalka soo gasha ama gudaha lagu sameeyo oo aan la marin habraacyada baadhista iyo xaqiijinta tayada.

 

Shaybaadhka Qaranka oo Door Muhiim ah Leh

 

Qoraalka Hay’addu wuxuu tilmaamay in Shaybaadhka Qaranku uu laf-dhabar u yahay nidaamka xaqiijinta tayada, isaga oo baadha badeecooyinka kala duwan si loo hubiyo inay buuxinayaan shuruudaha caafimaad iyo badbaado ee loo dejiyey.

 

Masuuliyiinta Hay’addu waxay sheegeen in nidaamkani muhiim u yahay ilaalinta caafimaadka bulshada iyo ka hortagga badeecooyin aan tayadoodu sugnayn.

 

Kalsooni La Siiyey Bulshada

 

Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa bulshada u xaqiijisay in ay si joogto ah uga shaqaynayso ilaalinta tayada badeecooyinka iyo badqabka muwaadiniinta.

 

Waxay sidoo kale ku boorrisay ganacsatada iyo shirkadaha inay u hoggaansamaan shuruucda iyo habraacyada tayo-xaqiijinta si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada iyo kalsoonida suuqyada dalka.

 

"Ma jiro dawo, cunto ama badeeco kale oo dalka soo gasha ama lagu farsameeyo gudaha dalka oo aan la marin habraacyada baadhista iyo xaqiijinta tayada ee Hay’adda Dhawrista Tayada JSL,” ayaa lagu yidhi qoraalka Hay’adda.


Loading...
Loading...