Roob Fiican oo Caawa Ka Da'ay Caasimadda Hargeysa

0
Wednesday June 03, 2026 - 21:15:43 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roob Fiican oo Caawa Ka Da'ay Caasimadda Hargeysa

    Roobabka ayaa sidoo kale gacan ka geysan kara dib u soo kabashada...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobabka ayaa sidoo kale gacan ka geysan kara dib u soo kabashada...



Roob mahiigaan ah ayaa caawa ka da’ay qaybo badan oo ka mid ah caasimadda Hargeysa, iyadoo roobku uu si weyn u qaboojiyey hawada isla markaana farxad geliyey shacabka magaalada.


 

Roobkan ayaa laga dareemay degmooyin kala duwan oo magaalada ah, waxaana uu kusoo beegmay xilli ay bulshadu si weyn u sugaysay roobabkii xilliga Gu’ga.



 

Dadweynaha Hargeysa ayaa soo dhaweeyey roobka, iyagoo Alle uga mahadnaqay nimcada roobka oo muhiim u ah nolosha dadka, xoolaha iyo deegaanka.


 

Roobabka ayaa sidoo kale gacan ka geysan kara dib u soo kabashada dhirta iyo daaqa, isla markaana kor u qaadi kara biyaha ceelasha iyo berkadaha ay bulshada iyo xooluhuba ka faa’iidaystaan.


 

Dhinaca kale, shacabka ayaa lagu boorriyey inay taxaddar muujiyaan xilliyada roobka, gaar ahaan meelaha ay biyuhu maraan iyo waddooyinka ay saamaynta ku yeelan karaan daadadka ka dhasha roobabka culus.


 

Roobkan caawa ka da’ay Hargeysa ayaa qayb ka ah roobabka xilliyeedka ee laga rajaynayo inay ka da’aan gobollada kala duwan ee Somaliland maalmaha soo socda.

Loading...
Loading...