Madaxweyne Cirro oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Ku-simaha Safiirka Maraykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey Ku-xigeenka Safiirka Maraykanka ahna Ku-simaha Safiirka, Mudane Justin Davis, oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha ayaa weftiga uga mahadnaqay booqashadooda iyo xiisaha sii kordhaya ee ay Dowladda Maraykanku u muujinayso Somaliland, isaga oo ku tilmaamay kulanka mid muhiim u ah xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac.
Xoojinta Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga gobolka, amniga marin-biyoodka Badda Cas, xog-isdhaafsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkaynta danaha istaraatiijiga ah ee ay wadaagaan labada dhinac.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay horumarinta dimuqraadiyadda, kobcinta ganacsiga iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland.
Madaxweyne Cirro oo Bogaadiyey Dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee Maraykanka
Madaxweynaha Somaliland ayaa Dowladda Maraykanka uga mahadceliyey hindiseyaasha sharci iyo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda goleyaasha sharci-dejinta Maraykanka, kuwaas oo si toos ah ula xidhiidha arrimaha Somaliland.
Waxa uu sidoo kale ku adkeeyey in Somaliland tahay dal nabdoon, dimuqraadi ah, xasilloon oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana diyaar u ah xoojinta iskaashiga ay la leedahay saaxiibadeeda caalamiga ah.
Maraykanka oo Bogaadiyey Horumarka Somaliland
Dhankiisa, Ku-simaha Safiirka Maraykanka, Justin Davis, ayaa bogaadiyey nabadda, xasilloonida iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee ka hanaqaaday Somaliland.
Waxa uu sheegay in Dowladda Maraykanku diyaar u tahay inay sii xoojiso iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca, amniga badda, xog-isdhaafsiga, maalgashiga, ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, macdanta iyo tamarta.
Doorka Istaraatiijiga ah ee Somaliland
Justin Davis ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in aan la iska indho-tiri karin horumarka iyo doorka istaraatiijiga ah ee Somaliland ku leedahay Geeska Afrika.
Waxa uu xusay in Somaliland ay leedahay muhiimad gaar ah marka la eego amniga gobolka, ganacsiga iyo xasilloonida marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.
Xidhiidh Sii Xoogaysanaya
Kulankan ayaa ka tarjumaya xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Maraykanka, iyo dadaallada ay Somaliland ugu jirto xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed, amni iyo dhaqaale ee ay la leedahay waddamada saaxiibka la ah.
Waxa sidoo kale uu muujinayaa danaynta sii kordhaysa ee ay labada dhinac u qabaan horumarinta wada-shaqayn ku salaysan danaha wadaagga ah iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.


0 





