Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland oo Guddoomiyay Kulan Lagu Dardargelinayo Hawlaha Wasaaradda

0
Wednesday June 03, 2026 - 14:03:02 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland oo Guddoomiyay Kulan Lagu Dardargelinayo Hawlaha Wasaaradda

    Xoojinta Wada-shaqaynta iyo Isku-duwidda Hawlaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoojinta Wada-shaqaynta iyo Isku-duwidda Hawlaha

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed, ayaa maanta guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay ka qayb galeen Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Mukhtaar Maxamed Xaaji, Agaasimaha Guud, Mudane Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen, iyo Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hawlaha iyo waajibaadka ay Wasaaradda Horumarinta Biyuhu u hayso qaranka, isla markaana loo xaqiijin lahaa hirgelinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo horseeda guulo muuqda iyo horumar la taaban karo.

 

Xoojinta Wada-shaqaynta iyo Isku-duwidda Hawlaha

 

Intii uu kulanku socday, masuuliyiintu waxay si qoto dheer uga doodeen muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta iyo kor u qaadista isku-duwidda hawlaha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

 

Waxa la isla qaatay in waaxyaha Wasaaraddu ku shaqeeyaan hannaan mideysan oo ku salaysan wadajir, aragti wadaag ah iyo jihayn isku mid ah, si loo gaadho yoolalka istaraatiijiga ah ee Wasaaradda.

 

Dardar-gelinta Qorshayaasha Horumarineed

 

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda iyo hababka ugu habboon ee lagu dardargelin karo hirgelintooda, si bulshada loo gaadhsiiyo adeegyo tayo leh oo waxtar u leh horumarka dalka.

 

Masuuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen in horumarinta adeegyada biyuhu ay door muhiim ah ka qaadato koboca dhaqaalaha, caafimaadka bulshada iyo horumarka guud ee qaranka.

 

Wadajir iyo Isla-xisaabtan

 

Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Biyaha ayaa xusay in guusha hay’addu ku xidhan tahay wadajir, isla-xisaabtan iyo ku shaqaynta hab kooxeed (Teamwork), kuwaas oo muhiim u ah fulinta qorshayaasha iyo tayaynta adeegyada bulshada.

 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Horumarinta Biyuhu ku doonayso inay ku xoojiso waxqabadkeeda, korna ugu qaaddo adeegyada ay bulshada Somaliland u hayso.


Loading...
Loading...