Wefti Ka Socda Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Kulamo Muhiim ah Ku Yeeshay Finland SAWIRO

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland (NEC), Muuse Xasan Yuusuf, oo ay weheliyaan xubno kale oo ka tirsan Komishanka, ayaa booqasho shaqo ku jooga dalka Finland, halkaas oo ay kulamo kala duwan kula yeesheen hay’ado iyo masuuliyiin ka shaqeeya dimuqraadiyadda, maamulka doorashooyinka iyo horumarinta hay’adaha dawliga ah.
Weftigu waxay kulamo heer sare ah la yeesheen Komishanka Doorashooyinka Finland, Baarlamaanka Finland, Wasaaradda Caddaaladda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Golaha Deegaanka Magaalada Vantaa, ururka DEMO Finland iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee dalka Finland.
Xoojinta Iskaashiga iyo Horumarinta Doorashooyinka
Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo hay’adaha Finland, gaar ahaan dhinacyada maamulka doorashooyinka, horumarinta dimuqraadiyadda, kor u qaadista aqoonta farsamada iyo isdhaafsiga khibradaha la xidhiidha nidaamyada casriga ah ee doorashooyinka.
Masuuliyiinta Finland ayaa danayn gaar ah u muujiyey waayo-aragnimada Somaliland ee dhinaca dimuqraadiyadda iyo habsami u socodka doorashooyinka.
Somaliland oo Soo Bandhigtay Horumarkeeda Dimuqraadiyadeed
Intii ay kulamadu socdeen, weftiga Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa martigeliyeyaasha uga warbixiyey horumarka ay Somaliland ka samaysay geeddi-socodka dimuqraadiyadda.
Waxay si gaar ah u muujiyeen guulaha ay Somaliland ka gaadhay qabashada doorashooyin xor, xalaal ah, nabadgelyo ku qabsooma iyo si dimuqraadi ah oo ay awooddu ugu kala wareegto hoggaanka dalka.
Sidoo kale, weftigu waxay la wadaageen qorshayaasha iyo himilooyinka mustaqbalka ee lagu sii horumarinayo nidaamka doorashooyinka iyo hay’adaha dimuqraadiga ah ee Somaliland.
Is-afgarad iyo Wada-shaqayn Mustaqbalka
Kulamada ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku saabsan sii wadista wada-shaqaynta labada dhinac.
Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada tababarrada farsamada, isdhaafsiga khibradaha iyo taageeridda geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Komishanka Doorashooyinka Somaliland ku doonayo inuu ku xoojiyo xidhiidhada caalamiga ah, korna ugu qaado aqoonta iyo tayada maamulka doorashooyinka dalka.












![]() |
![]() |


0 






