Ma Laga Yaabaa Xisbiga Waddani Inuu Mustaqbalka Ku Dhaco Habqanka Kulmiye Ku Dhacay ?
" Marka aad eegto sida xisbigii kulmiye, madaxdiisii
iyo taageyaashiisii habqanka u noqdeen , waa calaamad tusaale u ah in dalku
halis weyn ku jirey "
Xisbigii kulmiye ee ahaa xisbiga axsaabta siyaasada maanta
ugu da'da weyn waxaa ku dhacay taageerayaashiisii iyo madaxdiisiiba hab-qan iyo
inay ka lunto jihada siyaasadooda mustaqbalku afka saareyso iyo kaalintoodii
mucaaradadeed sidey u muujin lahaayeen.
Tusaalaha sida xisbiga kulmiye iyo deeganadii iyo dadkii
taagerayaasha u ahaa iyo madaxdiisii midiba meel uga dhacay waxay inoo
sheegaysaa in dalku halis ku jirey intii ay talada dalka gacanta ku hayeen.
Sidii si la mid ah ayaa ka soo muuqata xisbigii ku
guuleystay talada dalka oo isaga iyo dadkii soo saarey ilaa maanta is-layihiin
, intani waxa aan uga jeedaa dadka axsaabta siyaasada ku jira iyo kuwa
taageeraabaa waxay ku kala duwan yihiin wax badan , xiliga ololaha iyo
halgankana dhibta iyo culeysku wuu ku kala badan yahay tusaale ;
1- koox ka mid ah qorshahoogu waa in hogaan ay isku qabiil
yihiin talada geeyaan ama dheef ha ku soo celiyo ama dhib ha u horseedo e .
2- koox kale waxay ka dhex raadinayaan danahooga
siyaasadeed, ganacsiyeed I'm
3- Kooxda sadexaad waa dad aaminsanaa in isbadel dhaco oo
dalka iyo dadkaba dhinaca horumarka iyo barwaaqada afka la saaro , xisbigan ay
taagerayaana waxay u door bidayeen inuu noqon karo kii hawlahaa qabanayey.
Haddaba tan iyo markii xukuumada wadajir iyo wax qabad ee
xisbiga waddani talada la wareegtay waxaa soo bax-baxaya dhaqano cusub iyo
filashadii la qabey in wax badani aanay rumoobayn .
Hogaanka xisbiga waddani hadda joogaa waxaa loo sibir
saarayaa inuu yahay mid xukuumada dhismaheega talo weyn ku leh oo in badan oo
deegaanada dalka ah iyo bulshadii xisbiga ahiba waxay wax ka saarayaan iyaga.
Waa marka labaad e waxa aad moodaa inay kaadir cusub
raadsanayaan oo dadkii hore dad aan aheyn urursanayaan , waa talaabo la odhan
karo mustaqbalka ama wakhti aan fogeyn sidaa kulmiye ku dhacday ayaa ku soo
socota. " Taa macnaheegu maaha yaan xisbiga dad cusub la keenin ".
Haddaba hadii qaybsanaan soo baxdo oo maantaba wax
muuq-muuqdaan waxaa halis gali doona dalka , waxaana waliba halis badan xisbiga
talada haya hadii taladiisu murugto .
Aynu soo ururino axsaabta siyaasada dadka iyo dalka
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa leh qofwaliba ka uu doono ayuu gali karaa ,
laakiin aynu isweydiino waxan axsaabta siyaasada ugu wacan hab dhaqanka noocan
ah iyi meel qof horjooge ka yahay oo ku shaqeysa doonistiisa shaqsiga ah.
Mohamed Abdi Jama
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





