Wefti ka Socda Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Kulamo Shaqo Ku Yeeshay Finland

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf, ayaa kulamo shaqo ku yeeshay dalka Finland, halkaas oo ay kula kulmeen hay’ado iyo masuuliyiin ka shaqeeya dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo horumarinta hay’adaha dawliga ah.
Weftiga ayaa intii ay ku sugnaayeen Finland kulamo la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Finland, Baarlamaanka Finland, ururka DEMO Finland, Golaha Deegaanka Vantaa, Wasaaradda Caddaaladda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee dalka Finland.
Xoojinta Wada-shaqaynta iyo Isdhaafsiga Khibradaha
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta labada dhinac, isdhaafsiga khibradaha la xidhiidha maamulka doorashooyinka iyo kor u qaadista aqoonta farsamada ee hawlaha doorashooyinka.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay taageeridda geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland iyo horumarinta hay’adaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iyo maamulka wanaagsan.
Taageerada Dimuqraadiyadda Somaliland
Masuuliyiinta Finland ayaa la sheegay inay danaynayeen khibradda Somaliland ee dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, iyagoo la wadaagay waftiga hababka iyo waayo-aragnimada ay Finland u adeegsato nidaamka doorashooyinka iyo maamulka hay’adaha dawliga ah.
Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera dimuqraadiyadda iyo horumarinta hay’adaha.
Mahadnaq loo Jeediyey Hay’adaha Finland
Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa uga mahadceliyey hay’adaha Finland iyo Jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi soo-dhowaynta, martigelinta iyo wada-shaqaynta ay la yeesheen waftiga.
Waxay sidoo kale bogaadiyeen doorka ay hay’adaha Finland ka qaataan taageeridda dimuqraadiyadda, horumarinta aqoonta iyo xoojinta hay’adaha doorashooyinka.





0 





