Madaxweyne Cirro oo Kulan La Qaatay Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland SAWIRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland (ALGASL), kaas oo lagaga wada hadlay doorka ay dawladaha hoose ku leeyihiin horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta maamul-daadejinta iyo kobcinta dawladnimada casriga ah.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dawladaha hoose yihiin heerka ugu dhow ee muwaadinku ka dareemo adeegyada iyo jiritaanka dawladnimada, sidaa darteedna ay muhiim tahay in la xoojiyo awooddooda maamul, farsamo iyo maaliyadeed.
Xoojinta Awoodda Dawladaha Hoose
Madaxweyne Cirro ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in dawladaha hoose la siiyo taageero dheeraad ah si ay si hufan ugu gutaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay u horumariyaan adeegyada ay bulshada u hayaan.
Waxa uu tilmaamay in kor u qaadista awoodda dawladaha hoose ay muhiim u tahay hirgelinta qorshayaasha horumarineed iyo gaadhsiinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka.
Muhiimadda Wada-shaqaynta
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya dawladaha hoose ee dalka, si loo wadaago khibradaha, loo xoojiyo isfahamka, loona dardargeliyo adeegyada ay muwaadiniintu u baahan yihiin.
Kulanka waxaa ka hadlay Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, iyo sidoo kale maayarrada magaalooyinka Berbera, Boorama iyo Hargeysa, kuwaas oo Madaxweynaha uga mahadnaqay kulanka iyo taageerada uu siiyo dawladaha hoose.
Waxay si gaar ah u xuseen muhiimadda maamul-daadejinta iyo xoojinta wada-shaqaynta ka dhexaysa Dawladda Dhexe iyo Dawladaha Hoose.
Dawladaha Hoose iyo Horumarka Qaranka
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in xidhiidhka iyo wada-shaqaynta u dhexeeya Dawladda Dhexe iyo Dawladaha Hoose ay yihiin tiir muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee qaranka, adkaynta midnimada bulshada iyo xoojinta wadajirka shacabka Somaliland.
Kulan Gaar Ah oo uu la Yeeshay Hoggaanka Cusub ee Hargeysa
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan gaar ah la yeeshay Maayarka cusub ee Caasimadda Hargeysa, Maayar Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose.
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta cusub kula dardaarmay inay xilalkooda u gutaan si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad ku dheehan tahay, isaga oo Alle SWT uga baryey inuu ku asturo xilka cusub ee loo igmaday.











![]() |
![]() |


0 







