Isxambaar Danbe Ma Jiro, Idinna Dhabarkii Idin Daal, Annana Waa Socodbarannayoo Lugahayagaannu Maalaynaa!

0
Wednesday August 07, 2019 - 09:48:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isxambaar Danbe Ma Jiro, Idinna Dhabarkii Idin Daal, Annana Waa Socodbarannayoo Lugahayagaannu Maalaynaa!

    Beesha Dhexe: Doorashadii xildhibaanada ayaa la gelayaaye waa in la diyaar garoobaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Dhexe: Doorashadii xildhibaanada ayaa la gelayaaye waa in la diyaar garoobaa


Beelaha darafyada: Sidee loo qaybsanayaa xildhibaanada 
Beesha Dhexe: Dee sidii loo qaybsan jirey baa loo qaybsanayaa
Beelaha darafyada: Sidii hore yeeli maynee xal kale ma haysaan
Beesha dhexe: War waxaad u dan leedihiin garan maynee qarankan doorashaa laga sugayaaye waa maxay xujadani.


Beelaha darafyada: Annaga doorashada waxaa nooga horreeya "saami qaybsiga oo aynu ku heshiinno".
Beesha Dhexe: War bal yaabkan eega! War saami qaybsiga ma waddan cusub baynu nahay jamhuuriyaddani 29 sanay jirtaayoo xeer iyo nidaam baynu lahayne maxaad u jeeddaan
Beelaha darafyada: Waxaannu u jeednaa "Somaliland la wada leeyahay"
Beesha dhexe: War nin walba ninkii soo xambaari jirey baa soo xambaarayee ha ina waalina.
Beelaha darafyada: Waryaadha reer Sheekh Isaxaaqoow idinna sidaad noo siddeen dhabarkaa idin daalay oo nama sii xambaarsanaan kartaan, annana waannu qaangaadhnay oo waannu soconaynaa, dib danbe dhalada isaga saarnaan maynee ina kala furdaamiya.

Beesha dhexe: War miydaan maqal in saddexdii xisbi qaran heshiiyeen oo muddadii iyo commision-kiiba la isku af gartay. Tartankiina dhowaan bilaabmayo

Beelaha darafyada: Tartankaa fardihii aannu kaga qayb geli lahayn waa inaad ogolaataan inaannu la nimaadno. Dib danbe kiinna xagga danbe uga fuuli maynee,

Beesha Dhexe: Oo maxaynu yeelnaa dee adduunkiina waa ina sugayaaye.


Beelaha darafyada: Haddaad naga maarantaan ducaannu idiin raacinaynaaye iska tartama qoladiina Beesha dhexe, annana talaa noo taalla sidaannu yeeli annagaa naqaannee!

Beesha Dhexe: War miyaynaan qarankan wada lahayn

Beelaha darafyada: Haddaynu wada leenahay dhulka dhiga oo aynu si siman uga wada tashanno. 
Beesha Dhexe: War tanaaba u daran, war bal naga war suga.

Beelaha darafyada: Waa idin sugaynaa laakiin talada ku darsada 51% wax ka yar oo na marayaa ma jirto.

Beesha Dhexe: Waryaadhaheen dee citiraafkiina meelo fog baa loo tegey ilaa Gini baa la gaadhayoo rajadu way fiican tahaye bal qarankan u tudha
Beelaha darafyada: Citiraafkii gacantayaduu ku jiraa, Gini iyo Ghana toona ma hayaan. 
Beesha dhexe: War illeyn tanoo kale, war bal dib baannu isugu noqonaynaaye, malaha xabaal-bilaash baannu qodaynaye naga war dhawra
Beelaha darfyada: Hawraarsan, annaga waxba dhulka nagama yaallaan, waa idin sugaynaa.

Mohamoud Ibrahim (Xaaji

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...