Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo Sharaxay Muhiimadda Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada

0
Sunday May 31, 2026 - 14:29:35 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 39
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo Sharaxay Muhiimadda Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada

    Xeer Muhiim u ah Kalsoonida Maalgashiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer Muhiim u ah Kalsoonida Maalgashiga



Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Sheekh Maxamed Buraale, ayaa si qoto dheer u faahfaahiyey muhiimadda Xeerka Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (Public Private Partnership – PPP), isaga oo ku tilmaamay xeer muhiim u ah xoojinta dawladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalka.



 

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey Golaha Wakiillada Somaliland, xilli uu mudanayaasha warbixin ka siinayey mashruuca sharci ee xeerkan.


 

Xeer Muhiim u ah Kalsoonida Maalgashiga


 

Wasiir Buraale ayaa sheegay in maalgashadayaasha iyo shirkadaha caalamiga ahi ay si gaar ah u daneeyaan jiritaanka hannaan sharci oo qeexaya sida ay dawladdu ula shaqaynayso ganacsatada iyo maalqabeennada gaarka loo leeyahay.


 

Waxa uu xusay in su’aalaha ugu badan ee ay maalgashadayaashu weydiiyaan ay ka mid tahay in dalku leeyahay xeer rasmi ah oo hagaya iskaashiga u dhexeeya dawladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, maadaama arrintaasi saldhig u tahay kalsoonida iyo dammaanad-qaadka maalgashiga.


 

"Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatadu waxa uu ka turjumayaa dawladnimadeenna iyo bisaylkeenna siyaasadeed,” ayuu yidhi Wasiir Siciid Sheekh Maxamed Buraale.


 

Koboc Dhaqaale iyo Maalgashi Shisheeye


 

Wasiirku waxa uu sheegay in xeerkani door muhiim ah ka qaadan doono koboca dhaqaalaha Somaliland, isaga oo fududayn doona soo jiidashada maalgashiga shisheeye iyo hirgelinta mashaariic waaweyn oo horumarineed.


 

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in xeerku gacan ka geysan doono abuurista jawi ganacsi oo casri ah, oo waafaqsan nidaamyada iyo halbeegyada caalamiga ah ee maalgashiga.


 

Fursad u Ah Horumarka Dalka


 

Wasiirka Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa ku adkeeyey in ansixinta iyo hirgelinta xeerkan ay Somaliland ka caawin karto inay noqoto meel soo jiidata maalgashiyo waaweyn oo caalami ah, isla markaana kor u qaadda iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dawladda iyo ganacsatada.


 

Waxa uu sheegay in xeerku yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo kalsoonida maalgashadayaasha, laguna dardargelinayo horumarka dhaqaale ee dalka.

Loading...
Loading...