Maayarka Cusub ee Hargeysa oo Shaaciyey Qorshayaasha Horumarineed ee Caasimadda
Maayarka cusub ee Caasimadda Hargeysa, Mudane Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa sheegay in maamulka cusub ee Dawladda Hoose ee Hargeysa uu mudnaanta siin doono horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha muhiimka ah ee magaalada.
Maayarku waxa uu xusay in qorshayaasha ugu waaweyn ee maamulka cusub ay ka mid yihiin hagaajinta biyo-mareennada, biriijyada iyo waddooyinka magaalada, si loo xoojiyo bilicda caasimadda, loo fududeeyo isu-socodka shacabka, loona horumariyo adeegyada aasaasiga ah.
"Waxaanu horumarinaynaa biyo-mareennada, biriijyada iyo waddooyinka Caasimadda Hargeysa,” ayuu yidhi Maayarka Hargeysa.
Mudnaanta Adeegyada Bulshada
Eng. Cabdirisaaq Wiiwaa ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Dawladda Hoose uu si gaar ah diiradda u saari doono kor u qaadista tayada adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka aasaasiga ah ee ay helaan shacabka magaalada.
"Waxa aanu kor u qaadaynaa tayada waxbarashada iyo caafimaadka aasaasiga ah ee Hargeysa,” ayuu intaas ku daray.
Horumarinta Caasimadda
Maayarka cusub ayaa tilmaamay in qorshayaashan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo Caasimadda Hargeysa, laguna xoojinayo adeegyada ay dawladdu hoose siiso bulshada.
Waxa uu sheegay in maamulka cusub uu ka shaqayn doono hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ka tari doona baahiyaha muhiimka ah ee magaalada, isaga oo bulshada ugu baaqay inay kala shaqeeyaan qorshayaasha horumarineed ee la doonayo in laga hirgeliyo caasimadda.


0 





