Horn Lens: Xuska 18-ka May ee Minnesota oo Muujiyey Saamaynta Siyaasadeed ee Qurbajoogta Somaliland

0
Sunday May 31, 2026 - 14:20:14 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horn Lens: Xuska 18-ka May ee Minnesota oo Muujiyey Saamaynta Siyaasadeed ee Qurbajoogta Somaliland

    Sida lagu sheegay warbixinta, munaasabaddan ayaa loo arkaa mid..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida lagu sheegay warbixinta, munaasabaddan ayaa loo arkaa mid..



Warbaahinta caalamiga ah ee Horn Lens ayaa daabacday warbixin ay ku iftiimisay muhiimadda munaasabaddii xuska iyo dabaaldegga 18-ka May ee lagu qabtay Aqalka Hoose ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.


 

Warbixintu waxay dhacdadan ku tilmaantay bandhig istaraatiiji ah oo muujinaya awoodda madaniga ah, abaabulka siyaasadeed iyo saamaynta sii kordhaysa ee qurbajoogta Somaliland ku leeyihiin saaxadda siyaasadda Maraykanka.



 

Sida lagu sheegay warbixinta, munaasabaddan ayaa loo arkaa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu muhiimsan ee la xidhiidha arrimaha diblumaasiyadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyada aqoonsiga, kor u qaadista sumcadda caalamiga ah iyo xoojinta muuqaalka Somaliland ee fagaarayaasha siyaasadeed.


 

Horn Lens ayaa xustay in munaasabadda ka qabsoontay gobolka Minnesota aanay ku koobnayn oo keliya dabaaldeg dhaqameed, balse ay ahayd tallaabo istiraatiiji ah oo muujinaysay awoodda abaabul iyo saamaynta siyaasadeed ee bulshada reer Somaliland ee ku nool Maraykanka.


 

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in gobolka Minnesota uu noqday mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee ay qurbajoogta Somaliland kaga hawlgalaan arrimaha la xidhiidha wacyigelinta siyaasadeed iyo kor u qaadista danaha Somaliland.


 

"Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Aqalka Hoose ee Minnesota waxay muujinayaan korodhka ka-qaybgalka siyaasadeed iyo abaabulka bulshada reer Somaliland. Doodaha ku saabsan mowqifka caalamiga ah ee Somaliland iyo muhiimadda istiraatiijiga ah ayaa sii xoogeysanaya,” ayaa lagu sheegay warbixinta.


 

Warbixinta ayaa ku soo gabagabowday in dhaqdhaqaaqyada qurbajoogta Somaliland ee ka socda Minnesota ilaa Washington ay ka tarjumayaan koboca saamaynta siyaasadeed ee bulshada Somaliland ee dibadda, isla markaana ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo joogitaanka Somaliland ee masraxa caalamiga ah.

Loading...
Loading...