Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Bilowday Olole Lagaga Hortagayo Dengue Fever iyo Kuduudiyaha
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilowday olole caafimaad oo lagaga hortagayo xanuunnada ay gudbiso kaneecadu, gaar ahaan Dengue Fever iyo Kuduudiyaha.
Ololahan ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac.
Barnaamijka ayaa isugu jiray buufinta guryaha iyo olole wacyigelin ah oo bulshada lagu baraarujinayo muhiimadda ay leedahay ciribtirka goobaha biyuhu fadhiyaan ee ay kaneecadu ku taranto.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa ku boorriyey shacabka inay ka qayb qaataan dadaallada lagu xakamaynayo cudurrada ay kaneecadu gudbiso, iyagoo ilaalinaya nadaafadda deegaanka iyo ka hortagga meelaha ay biyuhu ku ururaan.
Dhanka kale, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa kormeer ku tegay xarumaha caafimaadka ee Degmada Maxamed Mooge, halkaas oo ay kula kulmeen shaqaalaha caafimaadka.
Masuuliyiintu waxay shaqaalaha ku dhiirrigeliyeen inay sii xoojiyaan adeegyada caafimaad ee ay bulshada u hayaan, gaar ahaan xilliyada ay kordhaan cudurrada faafa.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada iyo ka hortagga cudurrada faafa ee khatarta ku ah shacabka.


0 





