Midowga Yurub 94 Milyan Oo Dollar Ugu Deeqay Dawladda Somaliya.

0
Thursday March 14, 2019 - 12:20:59 in News by
  • Visits: 1357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub 94 Milyan Oo Dollar Ugu Deeqay Dawladda Somaliya.

    Midowga Yurub 94 Milyan Oo Dollar Ugu Deeqay Dawladda Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Yurub 94 Milyan Oo Dollar Ugu Deeqay Dawladda Somaliya.


Midowga Yurub ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ay Soomaaliya ka fulin doonaan Barnaamij lagu kordhinaayo horumarada Soomaaliya, kaas oo ay ku bixi doonto lacag dhan 94 Milyan oo Dollar


Wakiilka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya Amba. Fulgencio Garrido-Ruiz ayaa Arbacadii shalay sheegay in iyaga iyo dalalka ay wadashaqeynta la leeyihiin ay siwadajir ah u fulin doonaan mashaariicdaas,isla markaana laga gol leeyahay xasilinta iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.



Garrido-Ruiz ayaa waxaa kaloo uu sheegay in tallaabadaan inay tahay mid lagu kordhinaayo miisaaniyadda Dowladda, si loo xoojiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub,isla markaana dowladda ay ku bixiso qarashaadka la xiriira shirarka iyo adeegyada kale ay u baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed.


Midowga Yurub ayaa Soomaaliya waxa uu ka taageeraa dhinacyo farabadan, sida ammaanka, tababarida Ciidamada Dowladda,bixinta mushaaraadka iyo arrimaha Siyaasada,waxaana sidoo kale Midowga Yurub uu maalin ka hor Kismaayo ka furay mashruuc bilaaw u ah mid laga fulin doono dhamaan dalka Soomaaliya.


Loading...
Loading...