Wasiir Xasan Macallin: "Maayirrada Waa In Shacabku Si Toos Ah U Soo Doortaan"
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Somaliland, Xasan Macallin, ayaa shaaciyey in wasaaraddu waddo qorshe dib-u-eegis loogu samaynayo nidaamka hadda lagu soo doorto maayirrada degmooyinka dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in qorshahan lagu fulin doono wada-tashiyo iyo daraasado ballaadhan oo lala yeelan doono aqoonyahannada, khubarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo hannaan casri ah oo la jaanqaadaya baahiyaha iyo duruufaha waqtigan.
Mudane Xasan Macallin ayaa tilmaamay in mid ka mid ah fikradaha miiska saaran ay tahay in maayirrada degmooyinka si toos ah ay u soo doortaan shacabka, halkii ay ka ahaan lahayd nidaamka hadda jira ee ay golayaasha deegaannadu ku soo xulaan.
Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi: "Nidaamka waa in aynu u beddelno in Maayirada toos loo soo doorto.”
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in nidaamka hadda lagu soo doorto maayirradu uu dalka ka jiray ku dhowaad labaatan sano, isla markaana ay muhiim tahay in dib loo qiimeeyo si loo waafajiyo isbeddellada iyo waayo-aragnimada dimuqraadiyadeed ee casriga ah.


0 





