Hanti-dhowraha Qaranka: "Wax Deyn Ah Kuma Helaan Dawladda Hoose ee Hargeysa"

0
Saturday May 30, 2026 - 17:25:11 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanti-dhowraha Qaranka: "Wax Deyn Ah Kuma Helaan Dawladda Hoose ee Hargeysa"

    Hanti-dhowraha ayaa sheegay in afar agaasime oo ka tirsan xafiiskiisa...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hanti-dhowraha ayaa sheegay in afar agaasime oo ka tirsan xafiiskiisa...



Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Yuusuf Cismaan, ayaa shaaciyey in baadhis iyo hubin dhamaystiran lagu sameeyey xogaha maaliyadeed iyo dukumentiyada Dawladda Hoose ee Hargeysa ka hor intii aanu Maayarkii hore xilka wareejin.


 

Hanti-dhowraha ayaa sheegay in afar agaasime oo ka tirsan xafiiskiisa loo diray inay qiimeyn iyo hubin ku sameeyaan xaaladda maaliyadeed ee Dawladda Hoose, si loo fududeeyo geeddi-socodka xil wareejinta loona xaqiijiyo saxnaanta xogaha la gudbinayo.



 

Muuse Yuusuf Cismaan ayaa xusay in baadhistaasi ay muujisay in aanay jirin wax deyn ah oo saaran Dawladda Hoose ee Hargeysa, isagoo arrintaasi ku tilmaamay war wanaagsan oo ay ku qanceen kadib markii ay si qoto dheer u baadheen xisaabaadka iyo dukumentiyada maamulka.


 

Waxa uu yiri: "Afar Agaasime ayaan soo diray, eegis wanaagsan baan ku samaynay xogta dawladda hoose si aanu Wasiirka Dawladaha Hoose ugu fududeyno hawsha xil wareejinta. Waanu eegnay, waana war wanaagsan; wax deyn ah maanaan helin.”


 

Hadalka Hanti-dhowraha ayaa kusoo beegmaya xilli ay socoto xil wareejinta maamulka cusub ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, iyadoo la doonayo in maamulka cusub lagu wareejiyo xog maaliyadeed oo hufan oo la hubiyey.

Loading...
Loading...