Nin Shiine Ah Oo Ka Baxsaday Xabsi Kuna Safray Doon Yar Si Uu U Gaaro Kuuriyada Koonfureed
Nin u dhashay Shiinaha oo lagu magacaabo Dong Guangping ayaa la sheegay inuu ka baxsaday xabsi ku yaalla dalkiisa, kadibna uu safar halis ah ku galay doon la buufiyey si uu u gaaro Kuuriyada Koonfureed.
Wararka ayaa sheegaya in Dong uu badda ku jiray ku dhowaad 30 saacadood, isaga oo doon yar ku marayey safar adag oo uu kaga baxsanayey Shiinaha. Ilaalada xeebaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in kalluumaysato deegaanka ahi ay arkeen doontiisa, kadibna la soo badbaadiyey.
Dong Guangping, oo hore u ahaa sarkaal booliis, ayaa la sheegay inuu wajahayay xadhig iyo cadaadis la xidhiidha dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed. Qareenkiisa iyo kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in tani ahayd isku daygiisii afraad ee uu kaga baxsado Shiinaha.
Sida lagu sheegay wararka, ujeeddada ugu weyn ee safarkiisu waxay ahayd inuu dib ula midoobo qoyskiisa, kuwaas oo hore magangelyo uga helay dalka Kanada.
Kiiskan ayaa soo jiitay dareenka caalamka, iyadoo uu kusoo beegmayo xilli ay jiraan doodo iyo walaacyo la xidhiidha xuquuqda aadanaha, xorriyadda siyaasadeed iyo caburinta lagu eedeeyo dowladda Shiinaha.


0 





