Maxamuud Xaashi Cabdi: Qurba-joogga Somaliland Waa Tiir Muhiim U Ah Horumarka iyo Dawladnimada
Guddoomiyaha Xisbiga KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in qurba-joogga Somaliland ay door weyn ka qaataan dib-dhiska dalka, nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in qurba-jooggu yihiin xoog iyo tiir muhiim ah oo Somaliland ku tiirsan tahay, isaga oo tilmaamay inay door muuqda ka soo qaateen dib-u-dhiska dalka, xoojinta nabadda, adkaynta hay’adaha dawliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha.
Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in qurba-joogga Somaliland ay ka mid yihiin rukummada ugu waaweyn ee lagu tiirsan yahay, maadaama ay kaalin muuqata ku leeyihiin taageeridda horumarka dalka iyo kobcinta fursadaha dhaqaale.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in qurba-jooggu saamayn weyn ku leeyihiin arrimaha siyaasadda, isaga oo xusay in fikradahooda, talooyinkooda iyo taageeradoodu ay qayb muhiim ah ka yihiin horumarka siyaasadeed ee Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Xisbiga KAAH uu ahmiyad gaar ah siinayo qurba-joogga, isla markaana uu qiimeynayo kaalinta ay ku leeyihiin dhismaha qaranka iyo horumarka bulshada Somaliland.


0 





