Cabdicasiis Xirsi Warsame Oo Ku Ammaanay Waxqabadka Cabdikariin Axmed Mooge Intii Uu Hoggaaminayey Hargeysa
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa si weyn u ammaanay waxqabadka iyo horumarka uu Maayarka Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, ka hirgeliyey caasimadda Hargeysa muddadii shanta sano ahayd ee uu xilka hayey.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Cabdikariin Axmed Mooge uu si wanaagsan ula dhaqmay shaqaalaha Dawladda Hoose, taas oo uu ku tilmaamay mid ka muuqatay kalgacalka iyo ixtiraamka ay shaqaaluhu u hayaan hoggaamintiisa.
Cabdicasiis Xirsi Warsame ayaa tilmaamay in qaabka hoggaamineed ee Maayarku uu ka mid yahay hoggaaminta saamaynta leh (Charismatic Leadership), taas oo shaqaalaha ku dhiirrigelisa inay dadaalkooda sii kordhiyaan xitaa marka hoggaamiyuhu aanu goobta joogin.
Waxa kale oo uu xusay in guulaha laga gaadhay Hargeysa aanay ku koobnayn oo keliya dhismayaasha cusub, waddooyinka, bilicda magaalada iyo cagaaraynta la sameeyey, balse ay jiraan isbeddello muhiim ah oo laga sameeyey nidaamyada maamulka, horumarinta shaqaalaha iyo habsami-u-socodka shaqada.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dib-u-habaynta gudaha ee lagu sameeyey xafiisyada, kobcinta awoodda shaqaalaha iyo hagaajinta nidaamyada shaqo ay yihiin guulo waaweyn oo saamayn waarta reebaya, inkasta oo aanay si muuqata uga dhex muuqan mashaariicda dhismaha iyo kaabeyaasha la arki karo.
Waxa uu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa in horumarka muuqda ee caasimadda lagu arkay uu barbar socday dhismaha hay’adaha iyo tayeynta hababka shaqo, kuwaas oo uu ku tilmaamay saldhigga horumar waara oo ay Dawladda Hoose ee Hargeysa ku tallaabsatay sanadihii la soo dhaafay.


0 





