Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Oo Ka Hadlay Furitaanka Dhismaha Cusub ee Degmada Gacan-libaax
Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, Mudane Mukhtaar Booshcadde, ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay furitaanka dhismaha cusub ee degmada Gacan-libaax, kaas oo noqday dhismihii lixaad ee loo dhiso degmooyinka caasimadda.
Xoghayuhu waxa uu xusay in dhismahan cusub uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo tayaynta xarumaha dawladeed ee degmooyinka magaalada, si bulshada loogu helo goobo casri ah oo ay adeegyada ka helaan.
Mukhtaar Booshcadde ayaa sheegay in furitaanka dhismahan uu yahay dhacdo taariikhi ah, isaga oo tilmaamay in hirgelinta mashruucan ay hormuud ka ahaayeen Maayarka Caasimadda Hargeysa iyo Golaha Deegaanku. Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo xarumo qurux badan oo shaqaalaha iyo bulshada si hufan ugu wada shaqayn karaan.
Sidoo kale, Xoghayuhu waxa uu shaaciyey in qorshaha xiga uu yahay dhismaha saddexda degmo ee kale ee hadhay, si loo dhamaystiro horumarinta xarumaha degmooyinka caasimadda Hargeysa.
Waxa uu sheegay in furitaanka degmada lixaad uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegyada bulshada, isaga oo muujiyey rajo ah in degmooyinka harsan ay iyaguna dhawaan helaan dhismayaal casri ah oo u qalma shacabka caasimadda.


0 





