Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ku Bogaadiyey Cabdikariin Axmed Mooge Sida Uu Xilka Uga Degay Markii Muddadiisu Dhammaatay
Guddoomiyaha Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si weyn u bogaadiyey Maayarkii xilka wareejinaya ee Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, kadib markii uu xilka ka degay marka uu dhammaaday muddo-xileedkii loo doortay.
Xirsi ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Cabdikariin Axmed Mooge ay muujinayso ixtiraamka sharciga, ilaalinta kalsoonida shacabka iyo masuuliyadda hoggaamineed ee laga filayo masuuliyiinta dalka. Waxa uu xusay in hoggaamiyayaal badan ay ballanqaadaan inay xilka ka tagayaan marka muddadoodu dhammaato, balse aanay dhammaantood sidaas samayn.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Cabdikariin Axmed Mooge uu ilaaliyey waqtigii loo doortay, taas oo uu ku tilmaamay dhaqan wanaagsan, kalsooni iyo go’aan mudan in lagu daydo.
"Waxa xusid mudan in uu wakhtigii la doortay ilaaliyey, waana sune wanaagsan, waa kalsooni, waana raganimo iyo go’aan. Aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa,” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.


0 





