Waxan Ku Soo Arkay Dalkii Maalin Ku Taajir Iyo Miskiin U Shaqeeya
· Shaqaalaha oo aan la siin mushahar u dhigma culayska shaqada ay qabtaan, mushaharkaas oo aan ahayn mid uu ku noolaan karo qofku.
· Cashuurta laga qaado ganacsadaha oo aan la jaanqaadayn macaashka shirkadda.
· Ganacsatada oo ka wadatashata sicirka wax lagu iibinayo,
taasoo meesha ka saaraysa tartanka ganacsiga, keenaysana sicirbarar aan la
xakamayn karin. Akhriste ogow in caalamka ay mabnuuc ka tahay in shirkaduhu ay
ka wadatashadaan sicirka wax lagu iibiyo, taasoo lagu mutaysan karo xadhig iyo
ganaax lacageed oo aad u badan.
Shaqaalaha hoteelada iyo meheraduhu waxay
shaqeeyaan sabti ilaa jimce maalin walba 8-14 saacadood, mushaharka la
siinayaana wuxu u dhexeeyaa 200-400 dollar. Qaarkoodna waxay qaataan wax intaa
kaba yar. Diinta iyo dadnimadaba way ka soo horjeeddaa in qof muslim ah sidaa
bilaa naxariista ah loola dhaqmo. Yurub waxay ku dhisantay malaayiintii
afrikaanka ahaa ee 200 ee sano bilaashka ugu shaqaynayay, markaa wax lala yaabo
ma aha in Somaliland ay bataan maalin ku taajirku. Dhallinyarada dalka u
dhalatay ee reerkooda ka heli kara bariis ay cunaan ma qaataan shaqooyinkan,
waxana ka shaqeeya qaxooti itoobiyaan ah. Dhallinyaradii markay shaqobeeleen waa kuwaa badda isku
guraya. Nin kasta oo ganacsade ah masuul baa ka saaran dalka iyo dadka.
Hoteelada iyo meheradaha waawayni way karaan in ay mushahar fiican siiyaan
dhallinyarada dalka. Arrintani waxay keenaysaa mashaakil bulsho sida guurka oo
yaraada maadaama dhallinyaradii ay faramadhan yihiin iyo tahriibka oo sii bata.
Ganacsade ogow inantaadu marka ay guurbeesho waxa qasab kugu noqon doonta in
aad siiso qaxootiga itoobiyaanka ah ee kuu shaqeeya, kaas oo hadhawna dhaxli
doona xoolaha badan ee aad dhitaynayso. Ogow ganacsade waddan waxa dhisa ama
burburiya ganacsatadiisa.
Dawladda waxa ku waajib ah in ay dadka ka qaado
cashuur caddaalad ah. Maanta miskiinka uun baa misko la fuulo leh. Dawladdu waa
in ay cashuurtaa macaashka shirkadaha ee aanay cashuurin uun gadbadda bariiska
ah ee la soo dejiyo iyo hooyada danyarta ah ee tamaandhada bacadka la fadhida.
Shirkadaha caalamka waxa cashuurtooda lagu saleeyaa xisaabxidhkooda sannadka oo
hantidhawr madaxbannaani uu soo ansixiyay, laakiin maadaama innagu aynaan
halkaa gaadhin waa in aan keennaa dhako kale oo wax lagu qiyaaso. Tusaale ahaan
hoteelada waxa la tirin karaa qolalka ka dibna waxa laga soo qaadi karaa in
40-60% ay kiraysan yihiin. Shirkadaha telefoonada waxa la qiyaasi karaa inta
qof ee telefoon haysata dalka, kaba soo qaad 500 000 qof oo bishii isticmaala
10 doolar. Waxan filayaa in ay dawladda ka soo geli lahayd lacag aad u badan oo
dalka iyo dadkaba waxtarta.
Ogow ganacsade in aanay diiniyan bannaanayn in
alaabta la iibinayo la saarto labanlaab iyo wax ka badan iyo in la dulmiyo
shaqaalaha kuu shaqeeya. Haddii aad sidaa ku hesho xoolo badan fadlan ka fikir
in ay inna sugayso aakhiro.
Mohammed Ahmed Barkhad (Khadar)
Xisaabiye sare (Senior accountant)
Sweden
[email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!