Danjiraha Somaliland ee Israa'iil oo Ka Hadlay Mustaqbalka Somaliland iyo Isbeddellada Caalamka

0
Thursday May 28, 2026 - 15:02:00 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjiraha Somaliland ee Israa'iil oo Ka Hadlay Mustaqbalka Somaliland iyo Isbeddellada Caalamka

    Ambassador Maxamed Hagi ayaa tilmaamay in goobta juqraafiyeed ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ambassador Maxamed Hagi ayaa tilmaamay in goobta juqraafiyeed ee Somaliland



Danjiraha Somaliland ee Israa’iil, Ambassador Maxamed Hagi, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo leh muhiimad istiraatiiji ah, isaga oo xusay in dunidu wajahaysa isbeddello waaweyn oo taariikhi ah.


 

Ambassador Maxamed Hagi ayaa tilmaamay in goobta juqraafiyeed ee Somaliland ay siisay muhiimad weyn oo caalami ah, isla markaana mustaqbalka dhow la arki doono horumar iyo isbeddello cusub oo saamayn leh.



 

"Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madax-bannaan. Goobta uu ku yaallo waxay siisay muhiimad weyn. Adduunku si weyn ayuu isu beddelayaa. Horumar iyo isbeddello taariikhi ah oo wanaagsan ayaa dhowaan la arki doonaa,” ayuu yidhi Ambassador Maxamed Hagi.


 

"Runta Ayaa La Waajihi Doonaa”


 

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in dhaliilaha iyo hadallada ku salaysan "ku tidhi ku teen” aanay wax badan ka beddeli doonin xaqiiqada jirta.


 

"Naqdiga meel ka dhaca ah ee ku salaysan ku tidhi ku teenka inta badan waa la iska indhatiri doonaa. Runta ayaa la waajihi doonaa,” ayuu yidhi.


 

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in xaqiiqada jirtaa ay tahay in Somaliland tahay dal madax-bannaan oo mudan ixtiraam iyo aqoonsi caalami ah.


 

"Runtaasi waxay tahay in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo mudan ixtiraam,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Ambassador Maxamed Hagi.


 

Isbeddellada Siyaasadeed ee Gobolka


 

Hadalka Danjiraha Somaliland ee Israa’iil ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan isbeddello siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo si weyn looga dareemayo Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, iyadoo Somaliland ay sii xoojinayso xidhiidhadeeda caalamiga ah iyo iskaashiyada istiraatiijiga ah.

Loading...
Loading...