Warbaahinta Reer Galbeedka oo Ka Hadashay Iskaashi Amni oo u Dhexeeya Somaliland iyo Israa'iil
Warbixinno ay baahiyeen warbaahinta Ingiriiska, gaar ahaan joornaalka caanka ah ee The Daily Telegraph, ayaa daaha ka rogay iskaashi dhanka amniga ah oo la sheegay inuu dhexmarayo Somaliland iyo Israa’iil, kaas oo qayb ka ah isbeddellada xawliga ku socda ee ka taagan gobolka Geeska Afrika.
Sida lagu sheegay warbixinnadaasi, ilaa 50 xubnood oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Somaliland (Special Operations Forces) ayaa la sheegay inay tababaro ciidan oo heer sare ah ku qaateen magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil.
Wararka ayaa tilmaamay in barnaamijkan iskaashi uu ujeeddadiisu tahay kor u qaadista awoodda dagaal, tayeynta tababarrada ciidamada iyo horumarinta xeeladaha taatikada ee ciidanka Somaliland.
Warar Ku Saabsan Nidaamka "Iron Dome”
Xogaha ay warbaahintu baahisay ayaa sidoo kale sheegay in munaasabad rasmi ah oo ka dhacday magaalada Hargeysa ay wefti ka socday Israa’iil ku wareejiyeen astaan la xidhiidha nidaamka difaaca gantaalaha ee "Iron Dome”.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa heerka sii kordhaya ee xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.
Somaliland oo Soo Jiidatay Indhaha Caalamka
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Somaliland sannadihii u dambeeyay si weyn usoo jiidatay indhaha quwadaha gobolka iyo kuwa caalamka, sababo la xidhiidha booskeeda istiraatiijiga ah ee ku yaalla Geeska Afrika iyo marinada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Xeebaha Somaliland iyo dekedda Berbera ayaa si gaar ah loogu tilmaamay goobo leh muhiimad amni iyo ganacsi oo sii kordhaysa, xilli ay gobolka ka jiraan loollan siyaasadeed iyo tartan istiraatiiji ah oo u dhexeeya quwadaha waaweyn.
Isbeddellada Gobolka Geeska Afrika
Warbaahinta reer galbeedka ayaa sidoo kale xustay in xidhiidhka cusub ee Somaliland la yeelanayso quwadaha caalamiga ahi uu qayb ka yahay isbeddelka siyaasadeed iyo amni ee ka socda gobolka Geeska Afrika, halkaas oo dowlado iyo quwado badan ay danaynayaan marinada badda iyo saldhigyada istiraatiijiga ah.


0 





