Ted Cruz: "Somaliland Waxay Mareykanka U Soo Bandhigtay Fursad Istiraatiiji ah"
Senator-ka Mareykanka Ted Cruz ayaa sheegay in Somaliland ay Mareykanka u soo bandhigtay fursad istiraatiiji ah oo ay ku jiraan saldhig militari, deked iyo awood ciidan oo meel fog laga haggi karo, taas oo uu sheegay inay muhiim u tahay danaha Washington ee gobolka.
Ted Cruz oo wareysi siiyay telefishanka Fox News ayaa tilmaamay in qorshahan uu cabsi geliyay kooxaha xagjirka ah iyo dhinacyo ku sugan Yemen.
"Somaliland waxa ay ugu yaboohday Mareykanka goob ay ku wada yaallaan saldhig militari, deked iyo awood ciidan oo meel fog laga haggi karo, taas oo cabsi gelisay wadaaddada iyo qolyaha Yemen,” ayuu yidhi Ted Cruz.
Doorasho Ka Baxsan Ku Tiirsanaanta Jabuuti
Senator-ku wuxuu sheegay in iskaashiga Somaliland uu Washington siinayo doorasho cusub oo istiraatiiji ah, taas oo ka baxsan ku tiirsanaanta hal dhinac oo keliya.
"Waxaanay Washington siinaysaa doorasho aan ku tiirsanayn Jabuuti oo keli ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalka Ted Cruz ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee gobolka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo quwadaha caalamka ay ku loollamayaan saamayn siyaasadeed iyo mid militari.
Muhiimadda Somaliland
Xeebaha Somaliland iyo dekedda Berbera ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn usoo jiitay indhaha quwadaha caalamiga ah, sababo la xidhiidha muhiimaddooda dhinaca amniga, ganacsiga iyo marinada caalamiga ah ee badda.
Falcelinta hadalkan ayaa la filayaa inay sii kordhiso doodaha ku saabsan doorka Somaliland ee siyaasadda iyo amniga Geeska Afrika.


0 





