Waayahan Aduunkiyo Wakhtigu, Waa Wax Kula Nool.

0
Thursday May 28, 2026 - 13:55:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waayahan Aduunkiyo Wakhtigu, Waa Wax Kula Nool.

    Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim,

[A.S.C.W.R.W.B] Tu Khaas Ahna,

Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

1-Werweriyo Wanaagood, Midna Laguma Waaraayo, Wareeg Weeye Meeraaya,

Guduun Waajibaadkaaga,

Weynahaana Talo Saaro.



 

2-Waaberyaaba Waayo Leh,

Sida Ruux Ku Waaraayoon,

Weligiiba Ka Dhimanaynin,

Wakhtigaaguun Weelayso,

Wadkuna Kaama Sii Dheera.


 

3-Weynaha Adunyada Leh

Waa Inaad Ogsoonaatido,

Wafeey Weelka Akhirada,

Waarimaayso Dunidaniye,

Wax Sii Dhigo Adoo Nool.


 

4-Wadku Ruuxu Doonaayo,

Waanada Qaadan Maayo,

Wadhida Ceebsan Maayo,

Wacyigelin Laguma Karo,

Waxtarkana Kaga Daran.


 

 

5-Waayeel Da"A Weyn Ma Ahee,

Waayo Arag Wax Garasho Leh,

Wacad Eebbaheen Jebininooh,

Waayo Badan Allu[Swt] Dajay,

Wanaaga Lagaga Talo Galayo.


 

6-Welef Waali Boobaynin,

Weerar Aan Ku Barokicin,

Waalidkiyo Caruurtooda,

Waxna Aan U Dhaafaynoo,

Wadhayna Suuqa Dayniile.


 

7-War La"Aanta Duulaanka,

Weerarkiyo Indha La"Aanta,

Warku Sheegay Xuubcaaro,

Wakiilna Geele Loo Doortay,

Wadhi Soow Kamay Raacin.


 

8-Wardhegaysteyal Dharsan,

Weligood Hurdada Seexan,

Waayahaanba Soo Jeeday,

Waaqleh Soo Lamay Beegsan,

Waajibkoodana Lama Marinin.


 

9-Wacadqabe Gurguurtoow,

War Naga Qaado Xasusnow, [Wadhafiyo Shinbirahiinan],

War Moogaanta Soo Duulay,C

Wajaqiyo Wareer Kugu Dhaca.


 

10-Waalidan Cirraa Curiyay,

Carabtiina Wada Qaado Inta,

Adiga Kula Cayna Ceebta Aan,

Ka Dhawrsoonin Casro Dhan

Ku Jooga Ee Laba Canlaynaya.


Ismail Handuleh.

Loading...
Loading...