Kuuriyada Waqooyi Oo Lagu Eedeeyay Xatooyo La Yaab Leh
Lacagtan
ayaa laga dhacay internet-ka , iyada oo laa jabsaday shirkadaha maaliyadda
aduunka, lacagana laga xawishay iyada oo la isticmaalayo qadka iyo burcadnimada
internet-ka.
Illo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in Qaramada Midoobay ay baaritaan ku hayso illaa 35 weerar oo burcadnimo dhanka internetka ah oo ka imanyo dhanka Kuuriyada Waqooyi.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sii wadda tijaabooyinka gantaalada, iyada hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong-un uu sheegay in uu uga gol leeyahay in uu ugu awood sheegto Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed
Warbixinta
waxaa diyaariyay guddiga la socodka cunaqabataynta hubka ee dalkaas, waxaana
lagu sheegay in dalkan uu ku xad gudbay qodobo badan oo mamnuuc ka ahaa.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa warbixinta UN-ta kadib waxa uu sheegay in uu ugu baaqayo dhammaan dalalka adduunka in ay qaadaan tallaabooyin ay kaga hor tagayaan ficilada Kuuriyada Waqooyi.
BBC


0 





