Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland oo Ka Digay Colaad iyo Burbur Ka Dhaca Hargeysa

0
Thursday May 28, 2026 - 13:31:19 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland oo Ka Digay Colaad iyo Burbur Ka Dhaca Hargeysa

    "Isaaq haddii ay Hargeysa ka dunto toddoba magaalo ayay leeyihiin,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Isaaq haddii ay Hargeysa ka dunto toddoba magaalo ayay leeyihiin,,,,



Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara colaad iyo burbur ka dhaca magaalada Hargeysa, isagoo bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda iyo wadajirka.


 

Wasiirka ayaa sheegay in beelaha qaar ay leeyihiin magaalooyin badan oo ay u guuri karaan haddii xaalad adag timaaddo, balse dadka ku nool Hargeysa aanay haysan meel kale oo ay si fudud ugu badbaadaan haddii magaalada la burburiyo.



 

"Isaaq haddii ay Hargeysa ka dunto toddoba magaalo ayay leeyihiin oo ay kolba mid tagayaan, inaguna haddii aynu iska dumino magaalada xaggee ayaynu tagaynaa? Dila iyo Boon maalin gelinkeed ma joogi karno,” ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland.


 

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga, wada noolaanshaha iyo xasilloonida magaalada Hargeysa, isagoo bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara qalalaase iyo kala qaybsanaan.


 

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan doodo iyo xaalado siyaasadeed oo bulshada dhexdeeda si weyn looga hadal hayo.

Loading...
Loading...