Axmed Yuusuf Yaasiin oo Xukuumadda Ugu Baaqay In La Kala Shaandheeyo Masuuliyiinta

0
Thursday May 28, 2026 - 13:28:59 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Yuusuf Yaasiin oo Xukuumadda Ugu Baaqay In La Kala Shaandheeyo Masuuliyiinta

    "Nin waliba wuu iscumaamaday, ninkii geedka joogijiray ayaa fagaaraha...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nin waliba wuu iscumaamaday, ninkii geedka joogijiray ayaa fagaaraha...



Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay dib u eegis iyo kala shaandhayn ku samayso masuuliyiinta dowladda, isagoo tilmaamay in xaaladda siyaasadeed ay u baahan tahay feejignaan iyo kala saarid dhab ah.


 

Axmed Yuusuf Yaasiin oo wareysi siiyay Yaasir ayaa sheegay in dad badan ay hadda si toos ah uga dhex muuqdaan saaxadda siyaasadda, isla markaana loo baahan yahay in la kala saaro cidda shaqada qaranka wax ku biirin karta iyo cidda dano gaar ah leh.



 

"Nin waliba wuu iscumaamaday, ninkii geedka joogijiray ayaa fagaaraha yimid. Waxa aan xukuumadda ku dhiirrigelinayaa in la kala hufo oo la kala shaandheeyo,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.


 

Siyaasiga ayaa hadalkiisa ku muujiyay muhiimadda ay leedahay in xukuumaddu si taxaddar leh u qiimeyso dadka ku soo biiraya saaxadda siyaasadda iyo maamulka, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo tayada hoggaanka.


 

Hadalka Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa kusoo beegmaya xilli ay dalka ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo doodo la xidhiidha maamulka iyo jihada siyaasadeed ee Somaliland.

Loading...
Loading...