Madaxweynaha Somaliland oo Difaacay Xidhiidhka Somaliland iyo Israa'iil

0
Thursday May 28, 2026 - 13:22:14 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 35
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Difaacay Xidhiidhka Somaliland iyo Israa'iil

    Madaxweynaha oo waraysi siiyay wargeyska JC ee ka soo baxa dalka UK....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha oo waraysi siiyay wargeyska JC ee ka soo baxa dalka UK....



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa difaacay xidhiidhka cusub ee Somaliland la yeelatay Israa’iil, isagoo sheegay in aan cidna loo oggolaan doonin faragelin ku saabsan go’aannada siyaasadeed ee Somaliland.


 

Madaxweynaha oo waraysi siiyay wargeyska JC ee ka soo baxa dalka UK ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu yahay arrin la xidhiidha danaha Somaliland iyo siyaasaddeeda dibadda.



 

"Cid kasta oo ka soo horjeeda ama aan jeclaysan xulafada Somaliland iyo Israa’iil yaanay soo faro gelin arrimahayaga,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.


 

Madaxweynuhu wuxuu xusay in Somaliland ay xaq u leedahay inay samaysato xidhiidho iyo iskaashi ay u aragto kuwo muhiim u ah danaheeda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale.


 

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan doodaha iyo falcelinta la xidhiidha xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Israa’iil, kaas oo si weyn u soo jiitay indhaha siyaasadda gobolka iyo caalamka.


 

Xidhiidhkan cusub ayaa sidoo kale sababay falcelin ka timid qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo kuwa Muslimiinta, kuwaas oo walaac ka muujiyay iskaashiga sii xoogaysanaya ee labada dhinac.

Loading...
Loading...