Trump Oo Dacwad Ku Furey Maamul Goboleed Maraykanka Ah
ayaa dacwad ku furey maamulka
gobolka California kaas oo meelmariyay sharci cusub oo qasab ka dhigaya in
qofka isu taagaya xilka madaxweynenimada uu soo bandhigo canshuurtii uu
bixiyay.
Barasaabka gobolkan Gavin Newsom oo ka
tirsan xisbiga dimoqoraadiga ayaa todobaadkii hore saxiixay sharcigan oo la
sheegay in uu jilaafayn karo rajadii Trump ee ahayd in markale lasoo doorto.
Trump iyo xisbiga ayaa dacwadda ay
maxkamadda geeyeen ku doodaya in sharcigan cusub uu dastuurka jabinayo
maadaamaa uu shuruud dheeraad ah ku darayo shuruudaha uu dastuurka Maraykanka u
dajiyay qofka u tartamaya xilka madaxtinimo.
Sharciga cusub ayaa waxa uu kaliya
quseeyaa codbixiyeyaasha gobolkaas, wuxuuna mamnuucayaa in dadka aysan u codeyn
karin qof aanan soo bandhigin canshuurtii uu bixiyay.
Dastuurka Maraykanka ayaa saddex
shuruudood ku xiraya qofka u tartamaya xilka madaxtinimo, waxaana ka mid ah in
uu yahay muwaadhin Maraykan ah oo ku dhashay gudaha dalkaas, in uu dalkaas
degenaa muddo 14 sanno ah, iyo in uu ka weynyahay 35 jir.
Xisbiga
Jamhuuriga ayaa waxa uu ku doodayaa oo kale in sharcigan California uu yahay
weerar qaawan oo lagu qaaday madaxweyne Trump, islamarkaasna uu si aan xaq
ahayn uu u dhimayo fursadaha markale lagu soo dooran karo.
Trump
waa madaxweynaha kaliya ee aan la ogeyn canshuurta uu bixiyay, marar badan oo
laga codsadayna waa uu diiday.
Madaxweynaha
kale ee sidaas yeelay wuxuu ahaa Gerald Ford sannadkii 1976-dii.
BBC


0 





