Taliyaha Booliska Togdheer Oo Bulshada Burco Ugu Baaqay Inay Amniga Kala Shaqeeyaan Ciidanka Booliska

0
Tuesday May 26, 2026 - 19:14:49 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska Togdheer Oo Bulshada Burco Ugu Baaqay Inay Amniga Kala Shaqeeyaan Ciidanka Booliska

    Taliye Daga-cadde ayaa bulshada ku baraarujiyay muhiimadda...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye Daga-cadde ayaa bulshada ku baraarujiyay muhiimadda...



Taliyaha qaybta Booliska gobolka Togdheer, Gaashaanle Sare Saleebaan Ducaale Warsame (Daga-cadde), ayaa bulshada gobolka Togdheer ugu baaqay inay ciidamada Booliska kala shaqeeyaan sugidda amniga inta lagu jiro munaasibadaha Ciidda iyo maalmaha farxadda.


 

Taliye Daga-cadde ayaa bulshada ku baraarujiyay muhiimadda ay nabadgelyadu u leedahay bulshada, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan wada shaqaynta amniga ee ay la leeyihiin ciidanka Booliska.



 

Waxa uu yidhi: "Bulshada Burco waxaan leeyahay, raasamaalka aynu haysannaa waa amniga aynu ilaashanno.”


 

Dhinaca kale, Taliyaha qaybta Booliska gobolka Togdheer ayaa hambalyo u diray qaar ka mid ah ciidamada Booliska gobolka oo la dalacsiiyay, iyo guud ahaan ciidankii helay dallacaadaha.

Loading...
Loading...