Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe Oo Sweden Kula Kulmay Xildhibaanno Taageersan Aqoonsiga Somaliland

0
Tuesday May 26, 2026 - 19:09:25 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe Oo Sweden Kula Kulmay Xildhibaanno Taageersan Aqoonsiga Somaliland

    Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa ka warbixiyay booqashada Sweden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa ka warbixiyay booqashada Sweden



Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xamse Cabdiraxmaan Khayre, iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku marayay qaaradda Yurub, ayaa booqday safaaradda Somaliland ee dalka Sweden, halkaasi oo ay kulamo kula qaadeen xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan dalkaasi.


 

Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa ka warbixiyay booqashada Sweden iyo kulamada siyaasiga ah ee ay la yeesheen masuuliyiinta dalkaasi, isaga oo sheegay in ay jiraan xildhibaanno ay ka go’an tahay in Sweden ay taageerto aqoonsiga Somaliland.



 

Guddoomiye Khayre ayaa sheegay: "Waxa na qaabiley toban xildhibaan oo ay ka go’an tahay in aan Sweden ka hadhin aqoonsiga Somaliland.”


 

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in safaaradda Somaliland ee dalkaasi ay ka socoto shaqo ballaadhan, isaga oo bogaadiyay safiirka iyo shaqaalaha safaaradda doorka ay ka qaadanayaan hawlaha qaran ee ay dalka u hayaan.

Loading...
Loading...