Suldaan Sahal Iidle Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ay Colaadu Ku Dhexmartay Bariga iyo Galbeedka Somaliland
Suldaan Sahaal Iidle Diirir, Suldaanka Guud ee beesha Cumar Jibriil, ayaa baaq nabadeed iyo isu soo dhaweyn ah u diray beelaha walaalaha ah ee colaadaha ku dhexmareen deegaanada bariga iyo galbeedka Somaliland.
Suldaanka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada iyo dhiigga daadanaya, isaga oo xusay in colaadu dhaawac ku tahay wadajirka bulshada iyo nabadda ay Somaliland ku caan baxday.
Waxa uu adkeeyay in walaaltinimada, wada noolaanshaha iyo isu tanaasulku yihiin jidka keliya ee lagu gaadhi karo xasillooni waarta, isla markaana bulshada, waxgaradka iyo madax-dhaqameedka ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan dib u heshiisiinta iyo isu soo dhoweynta beelaha walaalaha ah.
Warsaxaafadeedka Suldaan Sahal Iidle Dirir ayaa sidoo kale lagu xusay in shacabka Somaliland ay yihiin hal qoys oo walaalo ah, isla markaana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabadda, midnimada iyo ilaalinta qarannimada.
Ugu dambayn, Suldaanka ayaa dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay xoojiyaan dedaallada nabadaynta si loo soo afjaro colaadaha soo noqnoqday.


0 





