Madaxweyne Cirro: Somaliland Waxay Aqoonsi Ka Filaysaa Dowladda Ingiriiska
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay aqoonsi ka filayso dowladda Ingiriiska, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyey wargeyska The Telegraph.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland muddo dheer muujisay xasillooni, dimuqraadiyad iyo nidaam dawladnimo oo shaqaynaya, isla markaana ay aaminsan yihiin in arrimahaasi mudan yihiin in beesha caalamku si gaar ah u tixgeliso.
Waxa uu tilmaamay in Somaliland rajaynayso in dowladda Ingiriisku door muuqda ka qaadato arrinta aqoonsiga, isagoo xusay in xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dhinac uu muhiim u yahay dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Somaliland sii waddo dadaallada ay ku doonayso aqoonsi caalami ah iyo xoojinta xidhiidhada ay la leedahay waddamada reer galbeedka.


0 





