Siyaasi Maxamed Cali Daarood Oo CID Ku Booqday Suldaan Qabile, Kuna Baaqay In Xorriyaddiisa Loo Celiyo

0
Monday May 25, 2026 - 11:05:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamed Cali Daarood Oo CID Ku Booqday Suldaan Qabile, Kuna Baaqay In Xorriyaddiisa Loo Celiyo

    Maxamed Cali Daarood ayaa sheegay in uu saaka aroortii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Cali Daarood ayaa sheegay in uu saaka aroortii


May be an image of one or more people and beard


Siyaasi Maxamed Cali Daarood ayaa saaka booqasho ugu tegay xarunta Hoggaanka Baadhista Dambiyada (CID), halkaasi oo uu kula kulmay Suldaan Axmed Muuse (Suldaan Qabile) oo shalay xabsiga loo taxaabay.


 

Maxamed Cali Daarood ayaa sheegay in uu saaka aroortii hore ku booqday Suldaan Qabile xarunta CID, isla markaana uu xog-waraysi la yeeshay, isagoo uga mahadceliyay masuuliyiinta Hoggaanka Baadhista Dambiyada fursadda ay u siiyeen booqashadaasi.


 

Sidoo kale, siyaasiga ayaa ugu baaqay hay’adaha cadaaladda iyo laamaha dowladda in Suldaan Qabile xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrintaasi si sharci iyo caddaalad ku dhisan loo wajaho. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay weli socdaan hadal-heyn iyo falcelinno la xiriira xarigga Suldaan Qabile.

Loading...
Loading...