Wafti ka Socda Somaliland oo Stockholm Kula Kulmay Xildhibaannada Sweden

0
Sunday May 24, 2026 - 23:24:19 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafti ka Socda Somaliland oo Stockholm Kula Kulmay Xildhibaannada Sweden

    Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan baarlamaanka Sweden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan baarlamaanka Sweden

May be an image of one or more people



Mas’uuliyiin ka tirsan wafti Somaliland ah ayaa magaalada Stockholm kulan kula yeeshay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Sweden, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo doorka sii kordhaya ee Somaliland ee fagaaraha caalamiga ah.


 

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan baarlamaanka Sweden oo ka kala socday axsaab siyaasadeed oo kala duwan, kuwaas oo qaarkood muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada Somaliland ee aqoonsi raadiska.


 

Waftiga Somaliland ayaa xildhibaannada Sweden warbixin ka siiyay xaaladaha siyaasadeed ee Geeska Afrika, horumarka Somaliland ka samaysay dhinacyada dawladnimada, diblomaasiyadda iyo iskaashiga gobolka.


 

Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaallada Somaliland ay ku xoojinayso xidhiidhada caalamiga ah iyo raadinta taageero diblomaasiyadeed oo ku aaddan aqoonsigeeda.

May be an image of one or more people
May be an image of one or more people
May be an image of studying and text
May be an image of one or more people and suit
May be an image of text that says 'Somalitand'
No photo description available.
No photo description available.


Loading...
Loading...