Kordhintii Golayaashu, Ma Wax Laysla Gartayo, Gudookeedu Horeeyayo, Laysla Gaadhay Miyaa.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.
1-Guurtideena Distoorku, Maysaga Garta Siiya,
Gadhwadeen Ka Dhigaya,
Mise Way Gefayaano,
Geyigeenay Duqaydu,
Garbaduub U Xidheenon,
Doorashadii La Gelaynin,
Ilamaayoy Soo Gudbiyaan.
2-Gardaradii Garabweyda,
Halkeday Ku Gudhayo,
Gurmad La"An Ma Tisqado,
Guuxna Waa Baxayaayoo,
Far Bay Soo Godayaan,
Garyaqaanada Qaarna,
Gelbino Meey Ina Dhaafte,
Gudaheenan Nadiifsha,
3-Geedigi Olola Haldhigii
Aydin Gasheenooy,
Dadweynu Guntadeen,
Gees Ayaa Laga Dhaafo,
Gedmato Waad Argtaan,
Guurtida Ka Badheedhay,
Korodhsiimo Gudoonshe,
Distorka Gaadh Hayahiis,
Goaankiisa Aan Dhawro.
4-Gurguurtetiiso Kaleeto,
Ma Geyaan Umadeenuye,
Kumishanka Ka Garsoore,
Go"Aankoodii Ku Saleeyoo,
Axdiyadii Aydin Gasheeniyo,
Guurtidaw Sheega Runtun.
Gar Allaad Ugu Laadahee,
Gunaanado Ha Gabanin.
Ismail handuleh <[email protected]>
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





